česky  english 

Advanced search
na_celou_sirku
Photo: © MZV ČR / MFA CZ
Article notification Print Decrease font size Increase font size

„Xoraynta“ Dhabta & Beenta Ah—Dagaalada Balaayada Aan La Arkayn Ee Gumaystaha Cusub‘

Sanadkan, dabaaldeggii guushii Dagaalkii 2aad ee Aduunka ayaa waxaa hadheeyay dhiiga iyo silica ka dhacaya dhulka Yukreyn iyo burburinta magaalooyinka Yukreyn. Balaaayo gardaro cusub, dagaal gumayste cusub, oo u gaajaysan qabsashada dhul kale, ayaa ayaamahan hadhkooda mugdiga ah ku deday, kuwaas oo had iyo goor ku xidhan dabaaldegga nabadda.

Gardarada badheedhka ah, sharci darada ah ee Ruushka ee ka dhanka ah dalalka deriskeeda dimuqraadiga ah ee yaryar waa inay inagu kaliftaa in aynu ka fikirno sida xusuusta loogu xadgudbi karo iyada oo la eeganayo danta siyaasadda imbiridooriyadda cussub. Dhacdadii caadiga ahayd ee fagaaraha cas ee Moosko ayaa ujeedadeedii asalka ahayd si tartiibtartiib ah u beddelantay. Waxay ahayd in ay noqoto muujinta dareenka naxariiseed ee mahadnaqa iyo xusidda geesiyaashii Soofiyeedka oo ka soo kala jeeda qoomiyado badan oo ay ka mid yihiin Raashiyaanka iyo Yukreeniyaanku. Laakiin waxay isku bedeshay bandhiga dadka dawladdu u abaabusho dacaayadaha iyo muujin awoodeed. Sanaddihii la soo dhaafay, hanjabaadaha ayaa aalaa la socday khudbadaha, laakiin sanadkan hanjabaaddii waxaa loo bedelay dagaal cad. Geesinimadii dhibanayaashii Dagaalkii 2aad ee Aduunka ayaa loo adeegsaday in lagu sameeyo kiiska gacan adag ee dawlad madax-adag oo aan naxariis lahayn oo keligeedtalis ah iyo riyooyinkeedii qaaliga ahaa ee soo noolaynta gumaysiga.

Waayoaragnimada Dagaalkii 2aad ee Aduunka ee Czeckoslovak (Jekislofak) ee ku saabsanaa deris awood badan (Jarmalkii Nasiga ahaa) oo ku duulay dal yar oo deriskiisa ah isaga oo marmarsiiyo ka dhiganaya „Xoraynta“ dadka Af-Jarmalka ku hadla ayaa waxa ay noqotay hordhaca dagaal aad u weyn—sababtoo ah „Xoraynta“  lama joojin oo waaba ay sii balaadhatay. Casharkii laga bartayna waa in aan la iloobin.

Czeckoslovak waxa ay aragtay „Xorayn“ kale oo been ah sanadkii 1968-kii, markii ciidan duulaan ah oo ku dhawaad nus-milyan askari ahi ay fuliyeen amarkii ka soo baxay Moosko, kaas oo dilay rajooyinkii iyo balan qaadyadii xornimada ee Guga Prague. Qabsashadii daba socotay ee Soofiyeetka ayaa waxa ay u bedeshay dal qab leh oo xor ah in uu noqdo qayb ka mida ah gumaystihii Soofiyeedka ee jabay kaas oo laga soo afduubtay qaarada Yurub—sida Milan Kundera ay si caam ah u xusuusisay dunida.

Qaybaha kale ee aduunka, 60-meeyadii ayaa ahaa wakhtigii nasiibka badnaa ee keenay dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka ahaa. Imbiridooriyadihii waa ay ligligteen oo dalal badan oo qaarado kala duwan ku yaala ayaa loo ogolaaday in ay dhadhamiyaan xorriyadda. Wadamadii ka midka ahaa Soofiyeedkii hore sida Czeckoslovak oo ay weheliyaan wadamadii kale ee isku ahaa Ruushka ee markii danbena noqday qayb ka mid ah imbiridooriyaddii Soofiyeedka ayaa waxa ay sugayeen soddon sanno oo kale si ay u helaan farxaddaas oo kale. Balse markii uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa waxa ay u dabaal deggeen farxaddoodii iyaguna. Tan baa ahayd sida xorriyadda dhabta ahi u egtahay.

Guushii Dagaalkii 2aad ee Aduunka oo ay wehelinayso geedi-socodka lagaga baxayay gumaysiga iyo dhamaadkii dagaalkii qaboobaa ayaa ahaa talaabooyinkii ugu waawaynaa ee uu u qaaday aadamahu dhanka xorriyadda ee qarnigii 21aad. Bilowgeedu waxa uu keenay rajooyinkii ahaa in aan dib loo soo celin doonin „Munich Moments“ oo ahayd marka dal yari uu noqdo dhibanaha deris aad uga awood weyn iyo weliba caqiidada „Brezhner ee madax-banaanida xadidan“.

Dagaalka Putin ee uu doortay ayaa waxa uu ka xadayaa nabadda iyo nolosha malaayiin ree Yukreyn ah laakiin inaga oo dhan ayay inagu dhici doontaa. Bulshada Ruushka ayaa iyaguna si daran u dhaawacmi doona. Maydadka askarta lagu soo celinayo hooyooyinkood iyo xaasaskoodii iyaga oo ku jira boorsooyin ayaa waxa ay qorayaan taariikhda murugsan ee Ruushka. Dhaqaalaha Ruushku waxa uu hoos uga sii dhici doonaa heerkii uu taagnaa 90-meeyadii, sidoo kale dhamaan wixii korodh dhaqaale iyo barwaaqo ahaa ee soddonkii sanno ee la soo dhaafay ayaa tirtirmi doona. Ruushka ayaa ku danbayn doona sida dal faqiir ah oo takooraan. Dagaalka Putin danta Ruushku kuma jirto.

Sido kale, hub-ahaan u isticmaalidda gaasta iyo saliidda ayaa dhaawacaysa dhaqaale badan oo Yurub iyo meelo kaleba ah. Ciidamada Ruushka ee beegsanaya kaabayaasha kaydinta hadhuudhka iyo waliba xannibaadda Ruushka ee dekeddaha iyo marináda kale ee dhoofinta ayaa sababi kara macaluusha malaayiin kale oo ah muwaadiniinta ku nool dalal badan oo ku kala yaala Afrika iyo Bariga-Dhexe. Deeq bixiyayaasha Midowga Yurub  iyo Maraykanka ayaa waxa ay yeelan doonaan dhaqaale daciif ah oo aan u saamixi doonin in ay qabtaan gargaaar horumarineed oo xoogan oo la siiyo dalalka saboolka ah/soo koraya. Waa inay dadaal dib u dhis oo baaxad leh ka sameeyaan Yukreyn. Khayraadkaas meelo kale ayaa laga waayi doonaa.

Ma jiro qof aduunka ku nool oo rabay dagaalkan laakiin xumaantu ma guulaysan karto. Dhamaanteen waa in aynu diidno waayaha iyo wakhtiyada gumaystaha aan muuqan iyo waxyeelada  imbiridooriyadda cusub. Ma ogolaan karno in nidaamka caalamiga ah ee xeerarka ku salaysan in la burburiyo oo lagu bedelo xoog sheegasho lagu qaybinayo khariiradda siyaasadda oo lagu saleynayo xayndaabyo dad khaas ah oo is yaqaana. Gardarada sharci darada ah looma dul qaadan karo oo waa inay dhamaan dadka nabadda jeceli u midoobaan sidii ay u diri lahaayeen fariinta dagaalka lagaga soo horjeedo. Aynu diidno ereyada Orwellianka ah ee runtu noqonayso been, dagaalkana loogu yeedho „xorayn“. Aynu taageerno Yukreyn oo aynu rajayno in sanadka danbe dabaaldegyadii dhamaadkii Dagaalkii 2aad ee Aduunku ay dib ugu noqon doonto wixii ay ahayd ee—xusuusta dhibanayaashii iyo geesiyashii dhintay iyo balan qaadka nabadda.

Jan Lipavsky, Wasiirka Arimaha dibada ee Czechia